Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxii ka dhacay Degmada Wadajir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Qaraxa duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Gaari Caasi ah oo lagu soo raray Khudaar, laguna soo dhexqariyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana Qaraxan laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) oo Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu ku eedeeyay in qaraxaasi in ay ka dabeeyaan Cadawga Shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo ka hadlayay khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa waxa uu sheegay in ay ku geeriyoodeen ilaa in ka badan 10 ruux halka 9 qof oo kale ay ku dhaawacmeen ku waas oo haatan lagu dabiibayo qaar ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Sidoo Kale Sayid Carab ayaa waxa uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii Ururka Al-Shabaab looga saari lahaa Wadanka.

Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan tahay mid Caadi ah basle ay si aad ah u burburtay xarunta maamulka degmada Wadajir islamarkaana ay ku sugan yihiin dad Eheladooda oo ka maqan baadi goobaya.