Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dadkii Ciidamada Mareekanka ku dileen Bariire

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dadkii Ciidamada Mareykanka ay ku laayeen beer ku taalla degaanka Bariire oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu sheegay Ciidamo hoos yimaada Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Axmed Maxamed Jimcaale iyo kuwa Mareykan ah in ay weerar ka fuliyeen xalay beer ku taalla degaanka Bariire.

Warka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay weerarkaasi in lagu dilay 8 Shabaab ah, kuwaasi oo halkaasi xarun u aheyd, aysana jirin dad shacab ah oo howlgalkaasi lagu dilay.

Waxaa kaloo lagu sheegay warkan qoralka ah in marka hore Ciidamada ay ku amreen shacabka in ay guryahooda dhigtaan hubkooda ay ku ilaashadaan beerahooda, si uusan u dhicin jahwareer ku aadan in khasdaare la gaarsiiyo.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday warkan qoraalka ah wuxuuna yiri “Beerta Bariire waxay ahayd xerada al-Shabaab. Shakhsiyaadka lagu dilay weerarka intii uu socday waxay ahaayeen Shabaab.

Dhanka kale Cali Nuur Maxamed, Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dhinaca Amniga oo la hadlay warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Mareykanka ay beertaasi ku dhex dileen 10 qof oo shacab ah, kuwaasi oo galabta Meydadkooda la keenay Muqdisho, waxaana sawirro laga soo qaaday ka dhex muuqday laba caruur ah.

Warka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta oo ku qornaa English hoos ka akhriso.

Somali National Army conducted security operation near Bariire

The Somali National Army, under the direction of Chief of Defense Forces General Ahmed Mohamed Jimaale, and our international partners conducted a security operation early on August 25 near Bariire, Lower Shabelle that resulted in the deaths of eight al-Shabaab terrorists. Our security forces go to great lengths to prevent civilian casualties during all of our activities. No civilians were harmed or killed in this operation.

SNA General Sheegow (20th Brigade Commander) said, “The SNA carried out an operation this morning against a farm in Bariire with known al-Shabaab presence. Al-Shabaab started shooting at SNA forces after our soldiers entered the farm. The individuals shooting at the SNA soldiers were al-Shabaab fighters; they were not farmers. We talked to the farmers in the area and instructed them to put their weapons in their homes to avoid confusion.”

In addition, Lower Shabelle Governor Ibrahim Ali noted, “The farm in Bariire was an al-Shabaab camp. The individuals killed during the fight were al-Shabaab fighters.”

END

Ministry of Information, Culture & Tourism
media@moi.gov.so