Waxaa Maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in guud ahaan dhulkii ay lahayd Dowladii dhexe ee Soomaaliya laga rari doono dadka Rayidka ah ee degan.
Dhulkaas oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa ah dhul hanti Guud oo ay lahayd Dowladii dhexe balse hadda ay deganyihiin dad Shacab ah kuwaas oo tan iyo bur burkii Xukuumadii Dhexe deganaa Dhulka Dowladda.
Dowladda ayaa maalmahii lasoo dhaafay waday Olole dadka looga saarayo xarumaha Dowladda ayadoona ay Dowladdu sheegtay in ay dhulkaas u baahantahay dib u dayac tirna lagu samayn doono Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa arintaas Faahfaahin ka bixiyay.
Cabdirashiid Cabdullaahi Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay hadda u baahan tahay meelo kooban oo keliya laakiin aysan dhulka oo dhan aysan u wadda baahneyn .
Waxaa uu tilmaamay in meelahaasi kooban lagu sameyn doono dayactir si ay ugu shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in aysan jirin in dhulka dowladda hal mar dadka laga raraayo laakiin hadba meeshii loo baahdo dadka laga raridoono.
Xaafado badan oo ka mid ah Muqdisho ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ka jirtay Cabsi xooggan oo ku aadan in dowladda Soomaaliya ay barakiciso, maadaama ay degan yihiin dhulkii dowladda.
HALKAN KA DHAGAYSO CODKA WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOOMAALIYA