Dowladda Soomaaliya Oo dalka ka eriday Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Kuxigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah gudahood, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.
Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin.
War qoraal ah oo uu barta twitter-ka uu ku soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la xisaabtami doonto shaqaalaha AMISOM, gaar ahaan kuwa heerkooda yahay hoggaanka,
Goobsan Media Inc.