Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dacwad ka dhan ah Madasha Horusocod u gudbisay dowladda Kenya.
Maalmahii lasoo dhaafay waxaa magaaladda Nairobi ku shirsanaa xildhibaano ku midoobay Madashasha Horusocod kuwaas dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo qal-qal galin kara Xukuumada Soomaaliya ka wadayhalkaas, xildhibaanadaas oo tiradooda saxda ah lagu sheegay 88 Xildhibaan.
Mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dacwad ka dhan ah Xildhibaanada u gudbisay Kenya, kuna wargelisay in dhaq dhaqaaqyada ka socda Nairobi inay dhaawacayaan dowladnimada ka curatay Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uul sare oo ka socda dowladda Soomaaliya uu arrintan kala hadlay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, isagoo balan qaaday in wixii hada ka dambeeya aanay dhici doonin.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda Kenya aanay marnaba ogolaan doonin shirar lagu duminayo dowladnimada Soomaaliya, isla markaana wixii hada ka dambeeya fiiro gaar ah u yeelaneyso.
Mr Ducaale ayaa laga soo xigtay in Kenya ay ka shaqeyneyso sidii Soomaaliya xasilooni siyaasadeed uga hirgeli laheyd, isagoo xusay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka aan la ogolaan doonin in shirar siyaasadeed oo aanay Kenya ka war qabin ku qabtaan Kenya.
Xildhibaano fara badan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Gole ayaa fasax u jooga magaalada Nairobi, waxaana laga war qabaa in Xildhibaanada ugu badan ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay heystaan Baasaboor Kenyan ah.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka wal walsan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Nairobi, iyadoo la xusuusto in shirar ka dhan ahaa dowladihii hore halkaas lagu qabtay, oo qaarkood lagu dumiyay xukuumado jiray.