Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab oo wadahadal ku dhex mari doono dalka Qadar

Dowladda Qadar ayaa dooneysa inay wada hadalsiiso Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab, ayadoona Rajaynaysa in wadahalkaasi qabsoomo isla markaana ay  garwadeen ka noqon doonto Dowladda Qadar.

Wasiirka arrimaha dibadda Qadar Maxamed Bin C/raxmaan Al-Thani ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay aqbashay codsi Dowladda Federaalka u soo jeedisay oo ah in ay la hadalsiiso Al-shabaab oo ka biya diidan siyaasadda Dowladda uu Hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Qadar ay Aqbashay arintaasi , islamarkaana dhawaan ay Shabaab iyo dowladda ka dhex bilaabi doonto wada hadal.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in Wadahadallada u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ay furmayaan dhamaadka Bishaan.

Hadalka kasoo baxay dowladda Qadar ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxda ugu sarsareysa dalka ay gaareen dalka Qadar.

Dowladda Qadar ayaan la ogayn sida ay u wajihi doonto ururka Al-shabaab oo lagu yaqaano inay yihiin rag go’aan adag isla markaana la yimaada Shuruuda adag mar walba oo wada hadal lasoo hadal qaado.