Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Jamal Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Cabdi Diirshe iyo Agaasimaha iskaashiga Horumarinta ee Wasaaradda Qorsheynta ayaa gaaray magaalada Baarliin ee dalka Germany, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Dowladdaasi.
Madaxda labada dowladood ayaa ka wada hadlay xariirka ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyagoo kala saxiiday heshiiskii ugu horeeyay oo toos ah muddo ku siman 30-sano kadib.
Heshiiskan ayaa ku saabasan barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya, kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, heshiinkan ayaana ah mid u daneeynayo labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Germany.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan Maxamed ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid taariikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonto mashaariicda ku dhax jira heshiiska.
“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka fa’iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi lagu sameysto waa dal ku yaalo meel wanaagsan.” Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.
Dr Stefan Oswald oo Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan Qaaradda Africa ayaa boggaadisay horumarka ay Soomaaliya ay ku tilbaasatay sanadahii ugu dambeeyay dhinacyadda horumarinta Amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo dib u dhiska, waxaana ay intaasi ku dartay in Soomaaliya ay hadda mareyso meel wanaagsan loogana baahan yahay in maalgashi lagu sameysto.