Dowladda Qatar oo ku dhawaaqday hadal ka farxiyay Dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya

Dowladda Boqortooyada Qatar oo maalmahii lasoo dhaafay ku jirtay xaalad siyaasadeed cakiran kadib markii wadamo carbeed oo dhowr ah ay xariirka u jareen.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay in ay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Itoobiya oo labada dalba ay ka wada dhisanyihiin Bariga Afrika ay ku deeqeyso Lacago

War ka soo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay ugu deeqayaan lacag dhan 3 milyan oo dollar halka dowladda Itoobiyana ay siineyso lacag dhan 10 milyan oo dollar.

Lacagtan ayaa waxa ay dowladda Qatar ugu tala gashay in wax looga qabto arimaha dhinaca Bani’aadanimada maadaama dalka Soomaaliya ay weli abaar ka jirto taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Dowladda Qatar ayaa haatan cadaadis kala kulmeysa Wadamada Carabta qaarkood iyo kuwa Reer Galbeedka ka dib markii lagu eedeeyay in ay taageerto Kooxaha Argagaxisada.