Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan yariisoow oo lahadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed duqeyn ay la beegsadeen xero tababar oo ku taala deegaan lagu magacaabo Buur ceelcade oo hoos taga degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.
Wasiirka, ayaa xaqiijiyey in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad boqol dagaalyahano oo isugu jiray Ciidamo iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Alshabaab.
“Dowlada Federaalka waxaa ka go’an dardargelinta la dagaalanka Al-Shabbab, waxa la duqeeyay Xiro tababar ee Buur Ceelcade ee degmada Diinsoor waxaana lagu dilay 90 – 100 Shabaab ahaa” ayuu yiri wasiir yariisoow.
Dhanka kale War-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika ayaa lagu sheegay in gantaalo lagu garaacay dugsi lagu tababarayay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab lagu diley boqol ka mid ah dagaalyahanadii la tababarayay.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada Maraykanka ay sii joogteyn doonaan weerarada ay ku hayaan Alshabaab meel walba oo ay ku tuhmaan sida xarumaha tababaraha iyo saldhigyadoodaba.
Dhanka kale Al-shabaab oo warqoraal ah kasoo saaray duqeyntaas ayaa sheegay in aysan jirin haba yaraate wax duqeyn looga dilay waxa ayna beeniyeen in tiro intaas la eg aan mar qura laga dilin Ciidamada Shabaab.