Dowladda oo sheegtay in ay Dad u qabteen Qaraxii Zoobe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqsiyaad loo qabtay qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abukar Ducaale Islow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka Dowladda Soomaliya ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan shaqsiyaad lala xiriirinaayo qaraxaas, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan Natiijadda.

“Waxaa jirta in hay’adaha amniga Dowladda Soomaliya maalmahan ka shaqeynayey arrintaan, waxaa jirta in dad loo xiray, xoogaa xog ayaan haynaa, dib ayaana idiin la wadaagi doonnaa” ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha Soomaliya.

Qaraxii 14-kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaladda Muqdisho ayaa dilay 358-qof dhaawaca ayaa lagu sheegay 228, 56 qof ilaa iyo hadda lama hayo nolol iyo Geeri.