Sida uu sheegay Abuukar C/laahi Isaaq oo ah Guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaa soconaya qorshe Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ugu diyaar garoobayaan sidii ururka Al-shabaab ay uga saari lahaaayeen degaanka leego.
Guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay Ciidamo fara badan oo ka tirsan Millitariga Soomaaliya iyo AMISOM in lagu diyaariyay Garoonka Diyaaradaha ee Bali-doogle, si ay ula dagaalamaan Shabaabka ku sugan degaanka Leego.
“Waxaa soconaya qorshooyin badan, kuwaasi oo la xiriira sidii Shabaab loga saari lahaa degaanka Leego, Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxay u diyaar garoobeen sidii ay Shabaab ula dagaalami lahaayeen, mar dhow waxaan ka soo hadli doonaa degaanka Leego”. Ayuu yiri Abuukar C/laahi.
Dhinaca kale Abuukar C/laahi Isaaq oo ah Guddoomiyaha degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay dadka ku nool degaanka Leego in ay dhibaatooyin badan kala kulmayaan ururka Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab ayaa Jimcihii ina dhaaftay waxa ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM oo degaankaasi ku sugnaaa.
Degaankan ay la wareegeen Shabaab ayaa ah meel istiraatiijiya marka loo eego isku xirka magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxaana hada go’ay xiriirka ka dhaxeeya labadaasi magaalo marka loo eego Gaadiidka Ciidanka ee wadadaasi ku socdaali jiray, inkastoo Gaadiidka dadka rayidka ah ay si caadi ah u isticmaalaan.