Dowladda Nigeria oo ku taageertay Dowladda Somalia in ay Xariirka u jartay Guinea

Dowladda Nigeria ayaa waxey taageertay go’aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Guinea oo soo dhaweyn ka careysiisay Soomaaliya u sameysay Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Senator Shehu Sani oo ka mid ah aqalka sare ee dalka Nigeria ayaa Guinea ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay midnimada Soomaaliya. Bartiisa Twitterka ayuu ku yiri: ” waa Khalad in Guinea ama dal ka mid ah galbeedka Afrika uu wax aqoonsi ah siiyo Somaliland ama xitaa gobol kale oo gooni u goosad ka ah Soomaaliya,”. Senator shehu Sani oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “waxaa jira hal Soomaali, oo aan aqoonsannahay annaga,wanaa in aysan isbeddelin,waxa Soomaaliya ka socda waa iska xaalad, maalin ayeyna noqon doonaan Taariikh”. Somaliland ayaa aad uga carootay tallaabada ay qaadday Dowladda Federaalka ah waxaana ay ku eedeeysay in aysan doonayn sii socoshada wadahadallada labada dhinac. Dowladda Federaalka ah ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqday in ay xiriirka u jartay dalka ku yaalla Galbeedka Afrika inkasta oo wali aysan ka falcelin dowladda Guinea