Dowladda Mareekanka oo joojisay qab qabashada dadka Soomaalida ah

27-04-2017 (Khamiis) Hay’adaha socdaalka ee Mareykanka ayaa ku wargeliyay safaaradda Soomaalida in ay joojiyeen qab qabashada dadka Soomaalida ee sharci darada ah oo aan guryahooda ama goobahooda shaqo loogu tagi doonin.

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ayaa sheegay in Hay’addu ay ka jawaabeysay cabasho ay safaaradda Soomaaliya iyo sharciyaqaanno arrintan kala shaqeynayay ay u gudbiyeen Hay’adda, taas oo ku aadan inay u muuqdaan inay si gaar ah Soomaalida u bartilmaameedsanayaan.

Waxa uu sheegay bartilmaa

meed gaar ah in lagu hayay Soomaalida, maadaama dhowaan Mareykanka laga soo musaafuriyay Soomaali badan, kuwaasi oo laga soo qabtay guryahooda iyo goobohooda shaqo.
Axmed Ciise Cawad Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo la hadlayay warbaahinta ayuu sidoo kale sheegay dadka hada xiran in Maxkamad ay go’aan ka gaartay, dalkoodana dib loogu soo celinayo balse hada kadib aysan sidaasi dhici doonin.

Shalay ayay ahayd markii xaakimka maxkamad ku taalo San Fransiscko uu sheegay inuu is hortaag ku sameeyay amaro uu soo saaray madaxweynha dalka Mareekanka ee Donald Trump kaasoo sahlaye tarxiilka dadka sharci la’aanta ah.