Dowladda Mareekanka oo sheegtay duqaynta Saakow in ay ku dishay Askar Shabaab ah

Wasaarada Gaashaandhigga dowlada Maraykanka ayaa hadal kooban ka soo saartay weerar lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin Alshabaab dalka Soomaaliya.

“Maraykanka waxa uu ku qaaday weerar duqeyn ah isagoo kaashanaya wadamada gobolka  Alshabaab Axadii iyadoo loogaga jawaabayo falal dhowaan uu geystey ururkaas.”ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka.

Inkastoo aan si toos ah loo hadal qaadin jawaabta weerarka lagu qaaday saldhig ay ku leeyihiin ururka Alshabaab, balse ururka Alshabaab ayaa weerar uu ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Puntland waxaa lagu diley inku dhow lixdan ka mid ah ciidamada milatariga.

War qoraal ah oo laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howl galka lagu qaaday saldhiga Al-Shabaab uu fasaxay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Afhayeen u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa ka hadashay weerarkii lagu qaaday deegaanka Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe.

Miss White waxay sheegtay in 11ka bishan June, saacaddu markii ay ahayd qiyaastii 2 saqda dhexe ka dib ay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Marayakanku ay qaadday weerar ka dhan ah  Alshabab ee Somalia.

Afhayeenka ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay Saakow, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen 8 Al-Shabaabkii la weeraray ka mid ah.