Dowladda Kenya ayaa shaacisay xiliga ay Ciidameeda kamid ah howlgalka AMISOM ay ka baxayaan Soomaaliya.
Golaha amaanka ee Qaramadda Midoobay qaraar uu soo saaray bishii Septerper 2017-kii ayaa loogu hadlay hanaanka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ee ku sugan.
Ciidamadda Kenya ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ka bixi doonaan bisha December ee sanadka 2020-ka,kadibna goobaha ay ka baxaan ay la wareegi doonaan Ciidamadda Dowladda federaalka Soomaaliya.
Qorshaha bixitaanka haduu guuleysto ayaa la sheegay in Ciidamadda Kenya ay ka bixi doonaan 16-saldhig ay kaga sugan yihiin Goboladda dalka, halkaasna ay la wareegi doonaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo qalab ahaan iyo tababaro ahaan la diyaarin doono ka hor.
Sanadkii la soo dhaafay 200 oo Askarta Kenya ah ayaa ka baxday Soomaaliya,halka qorshuhu yahay in 200 oo kale ay ka baxaan Bisha December ee soo socota,taas oo qeyb ka ah qorshaha markiiba 1,000 Askari oo AMISOM ah ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.