Dowladda Itoobiya oo gargaar raashin ah soo gaarsiisay Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa gargaar raashin ah soo gaarsiisay dalka Soomaaaliya raashinkaas oo logu talagalay in dadka ay abaarahu saameeyeen lagu gargaaro ayaa wax uu dhanyahay 18 Gaari.

Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka qeyb qaadato howlaha gargaar ee ka soconayo Dalka.

Wasiir kU Xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumada Soomaaliya Cilmi Cumar ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay kala wareegeen raashiinka gargaarka ayna uga mahad celinayaan gargaarkaas.

sidoo kale waxa uu sheegay in raashinkaas ay u kala qaybin doonaan Gobolada kala ah Gedo iyo Bakool ayakoo u kala qeybsan doona min 9 gaari gobolkiiba.