Dowladda Holand oo Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya iyo Howlo kale oo ay u weecan doonaan

Dowladda Holland ayaa lagu wadaa inay Ciidankeeda kala baxdo Hawl-galka Midowga Yurub ee Soomaaliya Bisha Abriil ee Sanadkan.

Netherland ayaa waxaa hadda ka jooga Soomaaliya 15 Askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Yurub ee (EUTM-S) loo yaqaan , kaas oo la asaasay 2010-kii, si ay Dowladda federaalka Soomaaliya kaga caawiyaan xagga tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka iyo la talin amni.

Dowladda Holland ayaa wixii xilligaa ka dambeeya howlaheeda u weecin doonta dhanka Bini’aadannimada, waxanay Gacan ka geysan doontaa holwgal loogu Magac daray  European Union Capacity Building Somalia Mission, howl-galka awood dhisidda Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP).