Dowladda Somaliya ayaa xiratay markab laga leeyahay dalka Cumaan,kaas oo lagu eedeeyay in uu jaray Fiilada Internet-ka ee bartamaha iyo Koonfurta Somaliya.
Markabkan oo ku xiran Dakadda Muqdisho ayaa 24-kii June jiiray Fiilada Internet-ka ee Somaliya koonfurteeda, waxaana uu maqan yahay illaa hadda, inkastoo ay socdaan dadaalo kala duwan oo ku aadan dib u soo celinta Internet-ka.
Internet-ka maqan waxa uu saameyn taban ku yeeshay dhamaan shaqada dadka sida Dowladda, Hay’addaha gaarka ah, kuwa samafalka, Ganacsiga, Warbaahinta.Bangiyada iyo Xawaaladaha,socdaalka iyo wixii la mid ah.
Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa xaqiijiyay in Markabkaan Dowladda ay gacanta ku dhigtay oo uu ku xiran yahay Dakadda Muqdisho.
Shirkadda iska leh markabkan hadda la xiray ee Fredriksen,ayaa Markabkan lagala wareegay sanad ka hor kaddib markii uu ku xirtay Dakadda Chittagong ee Dalka Bangladesh laguna helay in uu bixin waayay lacagihii canshuuraha ahaa, isaga oo ay dacweysay Waaxda Dakadaha dalka Bangladesh.
Dowladda Somaliya ayaa Shirkadda leh markabkaan ka dooneysa magdhowga khasaaraha uu sababay Internetka oo ka badan $2,000,000 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah.
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliya ayaa sheegtay in maalinkiiba la khasaaray 10 Milyan oo dollar Ineternet-ka maqan dartiis,waxaana ay lacagtaas dusha ka saartay Shirkadda iska leh, iyada oo haddii ay diidana Maxkamad lala tiigsan doona.
Dowladda ayaa hadda wado dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii dib loogu heli lahaa Internet-ka maqan ee saameynta ku yeeshay shaqooyin badan.