Saldhiga tababarka Meleteriga ee dowladda Turkiga ay ka dhistay qeybo ka mid ah duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la qorsheeyay in la furo bisha soo socota ee September sida uu shaaciyay Wasiirka Gashandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Waxa uu sheegay in dhismaha Saldhiga turkiga uu ka dhisanayo Magaalada Muqdisho uu dhismihiisa uu ku socday labadii Sano ee la soo dhaafay basle Bisha soo socota ee September xariga laga jari doono

Munaasabada furitaanka Saldhigaan ayaa waxa ka qeyb geli doona Masuuliiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwa dowladda turkiga iyo talisyada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan Ciidamada dowladda Soomaaliya loo daabuli doono halkaas oo loo qorsheeyay in ay tababar ku qaadan doonaan,si ay Xeradaasi uga caawiso tayeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waa Saldhigii ugu weynee ee dowladda turkiga ay ka dhisto Magalada muqdisho waxana ku yaala Schoolo iyo Guri ay dadka degi karaan iyo Goobo kale oo loo qorsheeyay in ay Ciidamadu degaan.