Dowladda Federaalka oo maanta la soo wareegeysa maamulka hawada

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah daah fureysa qalabkii lagu hagi lahaa maamulka Hawada, oo dhawaan lagu rakibay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyadoo qaban qaabada munaasabaddaas ay ka socoto Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay daah furaan qalabkan oo suura gelin doona in lagu maamulo Hawada Soomaaliya illaa Badweynta Hindiya, waxaana tani ay soo afjari doonaa muddo 20 sano ka badan oo Hawada Soomaaliya laga maamulayay magaalada Nairobi, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya magaalada Muqdisho laga maamuli doono hagida maamulka hawada, si la mid ah sidii Nairobi looga maamuli jiray iyo si ka fiican.

Wasiirka ayaa sheegay in isbuucan bilowga ay bilaaban doonto, balse muddo bil iyo bar ay isla shaqeyn doonaan Nairobi iyo Muqdisho, maadaama wadan kale laga soo guurayo, waxaa uu xusay in qalabkii lagu maamulayay ee Nairobi uu ahaa mid duug ah, isla markaana diyaaradaha marayay badweynta Hindiya ay dhib badan ku qabeen.

Si kastaba ha ahaatee tallaabada lagu soo wareejinayo Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa noqonaya markii u horeysay muddo 27 sano ah, waana mid ka mid ah guulaha ay gaartay dowladda Soomaaliya inay la soo wareegto maamulka Hawada.