Dowladda Federaalka oo dacwaynaysa Shirkadii lahayd markabkii jaray qadka Internet-ka

Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegtay in sharciga ay la tiigsaneyso Shirkadda Iska leh markabii jaray Qadka Internet-ka xawaaraha dheereeya ee Viber Optica oo muddo laba todobaad ah ka maqan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada ku xeeran.

Wasaaradda Boostadda Iyo Isgaarsiinta Somaliya ayaa sheegtay fiilada qadka keenta oo badda soo dhexmarta inuu jaray markab, sidaasina uu qadkii uu ku go’ay.

Axmed Cali Daahir ayaa sheegay Shirkadda iska leh Markabka fiilada jaray inay qasab ku tahay bixinta qarashka la khasaaray maalin kasta, maadaama masuuliyadda ciladda Internet-ka uu leeyahay markabkaasi oo jaray qadka.

Haddii Shirkadda leh markabkaasi ay diido bixinta qarashka dhan Maalintiiba 10-Milyan oo doolar ayuu sheegay Xeer ilaaliyaha inay sharciga caalami ah iyo maxkamad caalami ah la tiigsan doonaan Shirkadaasi.

Wasiirka Boostadda Somaliya Eng. Cabdi Canshuur ayaa sheegay Khasaaraha Somaliya Internet la’aanta ka soo gaaray inuu gaarayo maalin kasta 10-Milyan oo doolar inay lunto, taasi uu ku tilmaamay inay tahay hanti badan oo luntay.

Dowladda Somaliya ayaa hadda wado dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii qadka Internet-ka loo hagaajin lahaa, maadaama shaqooyin badan oo dalka muhiim u ah Internet-ka uu ku xaniban yahay.

Saameyn badan oo ka dhalatay Internet la’aanta ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaana dadka si weyn u hadal hayaan xilliga suuragalka ay tahay in qadka dib loo hagaajiyo.