Dowladda Burundi oo ka laabatay Go’aan ay horay uga gaartay Soomaaliya

Wararka laga helayo Dowladda Burundi ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay  Go,aan keedii ahaa in ciidamadeeda jooga Soomaaliya kala bixi doonto kaddib markii la xaliyay Cabashooyin ay   ka tabanayeen Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadeedu baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya.

Waxaana keenay inay bedelaan mowqifkoodi ahaa inay ciidamada dib ugula Dalka somaliya kadib markii uu kulan dhex maray madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Dalka Burundi iyo Gudoomiyaha amniga iyo nabad gelyda midowga Africa Ismail Sharqi ayadoona la isla af gartay in si joogta ah loo siiyo mishaaraadkooda ciidanka Burundi ee qaybta ah AMISOM kuwaas oo u sugan Somaliya.

Madaxweynaha Dowladda Burundi  ayaa horay ugu hanjabay  Ururka Midowga Afrika in uu Dacweyn doono haddii ay bixin waayaan mushaaraadka Ciidankooda jooga Soomaaliya.