Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ciidamo usoo diri doonto Soomaaliya Dowlada Ingiriiska aya ka dhawaajisay inay si dhab ah u taagereyso Dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Ciidankan ay soo dirayso ayaa ah kuwa macalimiin ah oo tababar siin doona askarta Soomaaliya horay waxaa uga joogay dowladda Ingiriiska Saraakiil Macalimiin ah kuwaas oo Tobabar siinaye askarta Soomaalliya.
Dolwadda UK ayaa horaanta bisha May marti gelin doonta shir ka dhacaya London, kaasoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda lagu saari doonaa dhismaha Ciidamada iyo tayeyntooda.
Horaantii bishan ayay aheyd markii Ciidamo ka socda Mareykanka ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kuwaasoo howshooda lagu sheegay inay tababarayaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Mareykanka iyo UK ayaa hada ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana ciidamadan ay siiyaan tababaro iyo la talin Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.