Daawo sawirda ciidanka cusub oo Uganda u qorsheysay inay usoo dirto Soomaaliya

 

Dowlada Uganda ayaa ka dhawaajisay inay askar cusub usoo direyso Somalia, askartan ayaa Qayb ka noqon doona ciidanka AMISOM waxaana tiradooda lagu sheegay askartaas ku dhowaad 1,845 Askari waxaana waqti dhow tababar loogu soo xiray xero ciidan oo ku taal isla Dalka Uganda.

Mar uu la hadlaaye askartaas Taliyaha ciidanka difaaca Uganda, Jeneral David Muhozi ayaa ugu baaqay Ciidamadda cusub inay noqdaan Askar Akhlaaq leh, kuna xad-gudbin Xuquuqda iyo dhaqamada dadka Soomaalida.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka UPDF, Jeneral David Muhoozi calanka Baaqa Bixitaanka u laalaadiyey Ciiddanka ka mid noqonayo Hawlgalka AMISOM.

Ciidamadan ayaa todobaadyada soo socda loo soo daabuli doonaa Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan iney ka howlgeli doonaan magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ku leh howlgalka AMISOM ee ka socda Somalia, waxaana dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-shabaab looga dilay boqolaal askari mudadii tobanka sano aheyd ee ay dalka joogeen.