Dowlada Kenya oo sheegtay in ay dib u bilaabi doonto dhismaha Derbiga Beled Xaawo

Maamulka gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay dib u bilaabi doonaan derbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Mandera Fredrick Shisia ayaa sheegay in dhismaha uu dib u bilaabi doono Abriil, waxaana uu sheegay Mashruucaan ay fulin doonaan ciidamo iyo shaqaalle is wata.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Kenya ay derbiga ka dhisan doonto xadka ay leedahay, islamarkaana aysan ku xadgudbi doonin dhulka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay faahfaahinayso Warar dacaayad ah oo ku aadan in Kenya ay doonayso dhacdo dhulka Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Derbiga hadda la joojiyay ka dib markii labada dowladooda ay wada hadleen laakiin dib loo bilaabi doono Bartamaha Bishaan.