Dowlada Jarmalka oo qaati ka taagan qaxootiga laga soo diido Skandanvian-ka.

Dowlada jarmalka ayaa sheegtay inay dhibaato ku qabaaan qul qulka Muhaajiriinta ka soo gala xuduuda ay la wadaagaan dalka Denmark, kuwaasoo ka imanayaa dhamaan wadamada skandanvian-ka la isku yiraahdo.

Muhaajiriintan ayaa u badan kuwo sharciyada looga soo diiday wadamadaas isla markaasna doonaya inay magangalyo ka codsadaan dowlada jarmalka.

Ciidamada ilaalada xuduudaha jarmalka ayaa si maalinle ah u wada baaritaano ay ka sameeyaan tareenada iyo basaska isaga kala gudba xadka ay la wadaagaan Denmark, waxayna inta badan la kulmaan qaxooti baxsad ka ah wadamada Denmark, Sweden, Finland, iyo Norway. kuwaas oo magangalyo raadis ah.

Hay’adda soo galootiga Jarmlaka ayaa sheegay in sanadkii 2018 ka oo kaliya laga qabtay xadka ay la wadaagaan Denmark dad ku dhaw 3000, kun oo qofood oo aanan wadan aqoonsi ay ku safra karaan.