Dowlada Federalka oo cadeysay sababtii ay u fasaxday Duulimaadyadi magaalada Kismaayo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iany  fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna ku simaha wasiirka Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqay go’aanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya.

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.