Dowlada Federaalka oo mucaaradka ku eedeeysay isku day afgambi

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkii toddobaadlaha ahaa kadib si kulul u cambaareeyay mucaaradka, iyagoo ku eedeeyay inay isku dayeen sida hadalka u dhigeen afgambi hubeysan oo ka dhan ah sharciyadda iyo dowladnimada dalka.

Shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay muujineyso khatar weyn oo ku wajahan dalka, xukuumadduna ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagula xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay isku daygaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay wax uu ugu yeeray koox siyaasiyiin ah oo isku magacowday “Samatabixinta” inay shalay weerar hubeysan ku qaadeen saldhigga degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, isagoo hadalkiisa ku adkeeyay in weerarkaasi uu ahaa duullaan cad oo lagu doonayay in lagu wiiqo dowladnimada iyo sharciyadda dalka.

“Qolada la magac baxday Samatabixinta ayaa shalay si cad isku dayey inay afgambiyaan sharciyadda iyo dowladnimada, waxay duulaan hubaysan oo qaawan ku qaadeen saldhigga degmada Wardhiigley,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Xukuumadda ayaa shacabka ugu baaqday inay garab istaagaan dowladda, isla markaana ka feejignaadaan isku day kasta oo lagu carqaladeynayo nabadda iyo nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkii shalay xambaarsanaa fariin diidan horumarka iyo xasilloonida Muqdisho, isla markaana lagu baabi’inayay sida uu hadalka u dhigay dadaallada xuquuqda dastuuriga ah iyo la dagaallanka Alshababa. Wuxuu amray hay’adaha amniga inay sugaan ammaanka muwaadiniinta, kana hortagaan cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah.

Intii uu socday shirka Golaha Wasiirrada waxaa sidoo kale lagu dhageystay warbixino ku saabsan dib-u-habeynta iyo kororka dakhliga gudaha, amniga caasimadda, fulinta xeerka xakamaynta hubka sharci darrada ah, iyo qodobo kale oo quseeya dowladnimada, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo horumarka dalka.