Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo dib loogu furay in ka badan 50 waddo oo horay loogu xiray, sababo amni dartood, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha caasimada.
Daah-furka waddooyinkan oo gaaraya illaa 52 jid ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Wasiirka Amniga Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Diyaano, kuwaas oo socod kusoo maray dhammaan waddooyinka maanta dhagaxyada laga qaaday.
Furista waddooyinka ayaa timid kadib markii ay dowladdu ku guuleysatay sugidda amniga magaalada Muqdisho oo hadda xasiloon, kadib markii laga qabtay shaqo adag.
Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda lagu furay waddooyinka ayaa sheegay inay hordhac yihiin jidad kale oo la furi doono maalmaha soo socda.
”Waxaa billownay in aan furno 52 jid oo ah wajiga caasimadda, kuwa kale ee dhimman waa furi doonaa dhawaan”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isna sheegay in guul wayn u tahay in la furo inta badan jidadkii xirnaa, si loo yareeyo cariiriga ka jira waddooyinka muhiimka ah ee caasimada.
”Maanta waa maalin taarikhi ah haddii dib loo furay wadooyinkii xirnaa, waxaa uu maamulkeygu ballan qaadayaa in wadooyinkaas la furay aan dib u dhisno kuwaas oo burbursan oo hagaajin doono, ku dadaali doono nadaafadooda iyo daryeelkooda” ayuu yiri
Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa si weyn u soo dhoweeyey furista waddooyinka iyo sida balaaran ee dowladda ugu guuleysatay sugidda amniga Muqdisho
Si kastaba ha’ahaatee, In la furo waddooyinka xirnaa ayaa ka dhigan guul weyn oo ay gaareen hay’adaha u xilsaaran amniga, waxayna dhinac kale fursad muhiim ah u tahay shacabka oo sanadihii u dambeeyay dhibaato ku qabay jaamka waddooyinka waa wayn.