Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR waxay Codsi rasmi ah u gudbisay Dowladda Eritrea albaabadda u laabin Xeradda Qaxootiga ee Umkulu oo 10-KM u jirta magaalladda Masawac ee kaabiga ku haysa Badda Cas.
Madaxa Xafiis-gobaleedka UNHCR ee Afrika, Ra’uuf Mazou waxa u uugu baaqay Maamulaayasha Eritrea inay ka wada shaqeeyaan Hubinta Ammanka Qaxootiga iyo sidii xal loogu heli lahaa Qaxootiga ku haray gudaha dalkaasi.
Waxa uu tilmaamay inay walaac khatar ah ka muujiyey Xiritaanka Xeraddaasi oo ay Qaxootiga Soomaali ku noolaayeen ku-dhawaad 20-sanno, iyadoo aan haba yaraatee la haynin xulasho kale.
Dowladda Eritrea waxay dhawaan sheegtay in la xiri doono Xeradda Qaxootiga ee Umkulu oo Hoy u ah Qaxooti Soomaali oo tiradoodu dhan tahay 2,100 oo qof.
Xeradaasi ayaa ah tan keliya ee ku taalla dalkaasi oo ay dad Qaxooti ah ku nool yihiin.
Tan iyo markii ay Dowladda Eritrea bixisay Amarkaasi, boqolaal Qaxooti Soomaali ah ayaa isaga hayaamay Xeradaasi, kuwaasi oo ka gudbay Xuduudka dalkaasi la wadaago Ethiopia.
Ilaa 1,300 Qaxooti Soomaali ah ayaana la sheegay inay haatan gaareen Waqooyiga dalka Ethiopia.
Hay’adda UNHCR ayaa la sheegay inay Dowladda Ethiopia kala shaqeynayaan Dib-u-dejinta 1,300 Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo loo gudbin doono Xero ku taalla Degmadda Melkadida ee Koonfurta dalkaasi.
Dib-u-dejinta 1-aad ayaa la sheegay in la bilaabay shalay oo ay bishan July 3 ahayd, sida ay xaqiijisay Hay’adda UNHCR.
Ethiopia waxay marti-gelisay ilaa 257,000 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu qaxay dalkaasi.