Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan midka diblomaasiyiinta.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in dowladda Norway ay Aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya.
Agaasimaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalalka Qaaradda Yurub kala hadlayay sidii ay u aqoonsan lahaayeen baasaboorka Soomaaliga.
Sidoo Kale Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in Safaradii is daba jooga ahaa ee ku baxayay ay noqon doonaan kuwa laga mira dhalin doono isla markaana Wadamo badan oo Yurub ahna ay aqoonsan doonaan Baasaboorka Soomaaliya ayadoo tilaabooyin dhowr ah loo marayo.