Dowlad Masar oo War qoraal ah kasoo saartay weerarkii lagu qaaday Buulo Gaduud

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa lagu sheegay shacabka iyo xukuumadda Masaarida in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ee wajahaya weerarada Argagixisada.

Dowladda Masar ayaa sheegatay in ay diyaar u tahay taageerada Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si dib loogu dhiso Hay’adaha Dowladda.

Waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay Masar in ay si weyn u cambaareyneyso weerarkii ururka Al-shabaab subixii hore ee shalay ay ku qaadeen xero Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Buulo-guduud, oo u dhow magaalada Kismaayo.

Cambaareynta ka soo yeertay Dowladda Masar ayaa dadka falanqeeya arrimaha carabta waxa ay ku tilmaameen in ay muujineyso Masar in ay si dhab ah u daneyneyso arrimaha Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi inay ku dileen in ka badan 26 askari  oo ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya, inkastoo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka warkaasi ay beeniyeen.

Bishii hore wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu heshiisyo kula soo galay Madaxweyne C/fataax Al-sisi.