Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay in Sh. Mukhtaar Roobow uu isku soo dhiibo Dowladda Federaalka Soomaliya.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso qorshaha Soomaaliya hoggaaminayso oo lagu bahdilayo saameynta Al-shabaab isla markaana lagu sameynayo isfaham iyo isku soo dhowaansho, taas oo ay kamid tahay isu soo dhiibidda xubnaha sar sare ee Al-shabaab, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadista dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale Mareykanku waxa uu dowladda Soomaaliya ku boorinayaa in ay sii waddo dadaalada jidka u xaareya in xubnaha Al-shabaab ay diidaan falalka guracan ee argagaxisada kuna soo biiraan nabad dhisidda iyo barwaaqeynta guud ahaan Soomaaliya.
Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.