Doorashadii Galmudug oo dib loo dhigay ogaw sababta

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo maanta soo gaaray Magaalada Cadaado ayaa kulan xasaasi ah la qaatay mas’uuliyiinta Galmudug.
Wasiir Juxa ayaa guul weyn ka gaaray safarkiisa uu cadaado ku tagay kadib marki uu ka dhaadhacsiiyey madaxda Galmudug inay ogolaadaan in dib loo dhigo Doorashada Galmudug oo markii hore lagu ballansanaa inay dhacdo 10 Bishaan.
Wafdiga uu hoggaaminayey wasiirka iyo Madaxda Galmudug ayaa isku afgartay in doorashada dib loo dhigo ilaa 30 Bishaan, si looga qeybgeliyo dowladda cusub Ahlu Sunna Waljameeca oo awood ku leh Gobolada Dhexe.
Wasiir juxa ayaa galinki dambe ee maanta tegay magaalada cadaado, safarkan ayuu uga gol lahaay sidii doorashada dib loogu dhigi lahaa arintaasna hadda waa la isla af gartay waxaa lagu wadaa in berri subaxdi la isagu yeero saxaafada si loo ogaysiiyo waxa kasoo baxay kulanki maanta ilaa xalay soo gaaray.