Doorashada Madaxweynaha Jubaland Oo si habsami leh u socota (SAWIRRO)

Magaalada Kismaayo waxaa ka bilaabatay doorashada madaxweynaha maamulka Juubaland waxaana hoolka lagu qabanayo ku sugan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Somalia Odayaal dhaqameed xildhibaanada cusub ee Jubbaland.

Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Jubbaland ayaa ku sugan hoolka doorashada iyaga oo u soo diyaar garoobay sidii ay u dooran lahaayeen madaxweynaha cusub ee maamulkaas.

Doorashadaan waxaan goobjoog ka aheyn dowladda Somalia beesha caalamka iyo dhamaan dowladaha sida gaar ka ah u taageera Somalia,iyada oo sawiro laga soo qaaday howlka ay miijinayaan xildhibaanadii ka tirtsanaa labada aqal ee tegay Kismaayo oo ka mid ah dadka kor joogtada ah.

Lam aoga waxa ka dhici kara Kismaayo haddii ay dhacdo doorasho iska soo hor jeedda oo aan taageero ka heysan dowladda dhexe iyo beesha caalamka oo cadeeyay mowqifkooda doorashada hase’ahaate Jubbaland waxa ay ku fara adeegeysaa go’aankeeda iyo sidii ay u qabsan lkaheyd doorasho.