Doorashada 16 Xildhibaan Oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta lagu qabtay doorashada 16-ka kursi oo kamid ah xildhibaanada Puntland ku metelaya baarlamaanka 11-aad, iyadoo magaaladan ay eheyd deegaan doorashada labaad ee maamulka.

Doorashadan ayaa ku dhacday si fudud, maadaama hore loo sii ogaa dhamaan xubnaha ku soo baxaya kuraastan, iyadoo doorashada ay qaadatay wax ka yar Lix saacadood oo kaliya, iyadoo ay jirtay cabasho laga keenay kuraasta qaar oo loo diiday musharixiin xil doon ahaa.

Xubnaha ku soo baxay kuraasta Boosaaso waxaa kamid ah taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Ameeriko, iyadoo xubnaha kuraastooda la qaatayna uu kamid yahay wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed oo loo diiday inuu tartamo, 2 mudane oo kaliya ee kursiga ku soo laabatay, halka 14-ka xildhibaan ee kale ay yihiin kuwo cusub, mid kamida xubnaha soo baxay ayaa Dumar ah.

208 oo xildhibaan ayaa haatan la doortay, waxaana harsan oo kaliya 67, iyadoo ay u badan tahay in 10-kan maalin ee soo socota lagu soo afjari karo kuraasta ka harsan guud ahaan golaha shacabka, walow aan la ogeyn sida loo xalin doono arinta gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada 2-aad ee Jubaland.

Halkan hoose ka akhriso magacyada xildhiaanadii soo baxay:

Kursiga HOP#157 waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Aadan (Geesood).

Kursiga HOP#227 waxaa ku guuleystay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi).

Kursiga HOP#273 waxaa ku guuleystay Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud (Ameeriko) Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Kursiga HOP#234 waxaa ku guuleysatay Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali.

Kursiga HOP#076 waxaa ku guuleystay Muuse Axmed Ismaaciil.

Kursiga HOP#169 waxaa ku guuleystay Cali Mahdi Maxamed.

Kursiga HOP#083 waxaa ku guuleystay Maxamed Bashiir Cali.

Kursiga HOP#220 waxaa ku guuleystay Cali Xaaji Daahir Saleebaan.

Kursiga HOP#149 waxaa ku guuleystay Faysal Axmed Maxamuud.

Kursiga HOP158  waxaa ku guuleystay Saddaam Maxamuud Cabdi.

Kursiga HOP#027 waxaa ku guuleystay Siciid Cali Muuse.

Kursiga HOP#036 waxaa ku guuleystay Maxamed Aadan Diini.

Kursiga HOP#222 waxaa ku guuleystay Caynaanshe Yuusuf Xuseen.

Kursiga HOP#228 waxaa ku guuleystay Cabdifitaax Faarax Mire.

Kursiga HOP#142 waxaa ku guuleystay Ismaaciil Shire Jaamac.

Kursiga HOP#190 waxaa ku guuleystay Maxamed Cabdulqaadir Maxamed.