Dood iyo Buuq ka taagan kulankii looga hadli lahaa Arrinta Qalbi dhagax

Wararka aan ka helayno xarunta Aqalka Sare ee dalka,ayaa waxa ay sheegayaan in buuq uu ka taagan yahay, halkaasi iyadoo xubnaha Golaha Aqalka Sare ay ku kala qaybsan yihiin kiiska la xiriira Qalbi Dhagax.

Xildhibaanada Qaar ayaa dhankooda ku adkeysanaya in Ajandaha Shirka aanan laga saarin arinta Qalbi Dhagax, maadaama shalay uu shaaciyay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdullaahi.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa hadda waxaa u socda Shir gaar ah sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku sugan xarunta Aqalka Sare.

Xildhibaanada Aqalka Sare qaarkood ayaa soo jeediyay inaan Ajendaha lagu soo darin arinta Qalbi Dhagax.

Maalinimadii shalay ahayd ayaa Gudoomiyaha Aqalka Sare waxa uu sheegay in Maalinta Isniinta ah laga soo saari doono Go’aan sax ama khalad ah Arrinta Qalbi dhagax oo maalmahanba Mashquul badan ka dhigtay Siyaasada Soomaaliya.