Doha:Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ła kulmay Amiirka Qatar.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Qatar ee Doha, halkaas oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, kaas oo ka dhacay qasriga madaxtooyada dalkaasi.

Kulankan ayaa lagu sheegay mid xoojinaya xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, wuxuuna diiradda saaray arrimo ay ka mid yihiin iskaashi dhanka amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo taageerada labada dhinac ay is siiyaan mar kasta oo ay dhibaatooyin ama cadaadis soo wajaho midkood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka intii uu socday si cad ugu muujiyay Amiirka Qatar in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan yihiin Qatar, gaar ahaan xilliyada ay cadaadiska la kulanto, Wuxuu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya marnaba aqbali doonin in lagu xadgubo madaxbannaanida, amniga iyo sharafta Qaranka Qatar.

“Qatar waa walaalaheenna, waxaan aaminsanahay in madax-bannaanida iyo amnigeeda aysan noqon karin wax lagu ciyaaro, Soomaaliya waxa ay mar walba taagan tahay mowqif cad oo ku saleysan walaaltinimo, isku duubni iyo is-ixtiraam dowladeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhinaciisa, Amiir Tamim bin Hamad Al Thani ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageerada xooggan ee walaaltinimo ee ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado adag.

Amiirka Qatar wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, isagoo ballanqaaday sii xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.