Document sir ah oo Shabaab laga helay: Liiska Madax, Saraakiil, Siyaasiyiin & Wariyaal ugu xakuman Dil iyo kuwii ay dileen.

Waxaa la helay Document uu hayey Waaligii hore ee Gobolka Banaadir Cali Jabal oo dhawaan lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Magaalada Muqdisho halkaas oo ay saldhig ku lahaayeen Xarakada, Wuxuuna saldhigaas qaabilsanaa dhammaan howlgalada ay ka sameeyaan Muqdisho.

Documentiga la helay ayaa muujinaya Dadka ay dileen, iyo kuwo u qorshaysaa inay dilaan, Waxaana sidoo kale Dadka qaarkiis kula hor qoran in isaga iyo Qoyskiisaba la laayo. Taasoo ah ficil muujinaya arxan daradda Kooxda.

Sidoo kale Waraaqaha la helayey ayaa qeybaha dambe waxaa ku qornaa inaan dadka liiskaas ku qoran marnaba la cafin doonin is kasta iyo waqti kasta oo kasoo wareego, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka ku jiro liiskaan ee weli nool.

Dadka Liiskaan ku qoran ee la dilay iyo kuwa aan weli la dilin ayaa intaba isugu jiro Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Wariyayaal caan ka ah Magaalada oo qaarkood ay Qabuuro galeyn.

Sida ku hor qoran magacyada dadka lagu xukumay dilka ayaa sidoo kale waxaa qorshaha dilka kula jiro qoyskooda.

Midda ugu yaabka badan ayaa ah in dadka ay u suurtagashay in la dilay ay magacyadooda ku hor qoreyn Erayo ay ka mid yihiin waa la dilay, Xaqaa laga oofiyay, iyo Calaamad Sixitaan ah.

Midda dadka dhan ay ka naxeyn ayaa ah dadka qaar ku qoreyn inay iskood u dhinteen, laakiin Qoyskiisu ay dhiman tahay in la bartilmaameedsado.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Documentiyada sirta ah ee la helay.

Liiska Saraakiisha

Gen Maxamad Cabdi Maxamad

Gen Yuusuf Axmad Sareenle

Col Maxamuud Cabdinuur Bataar

Col Amiin Siid Axmad

Dhamme Maxamad Aadan

Col C/laahi Maxamad Warsame Neero

Col Ismaaciil Xaaji Cismaan

Col Axmad Ugaas Foodeey

Col Xirsi Maxamuud Cumar-Xirsi Dhoore

Col Maxamad Cismaan Coon

Gen Axmad Jilacoow Cadoow

Col Maxamad Maxamuud Raage Coon

Col Abuukar Maxamad Xuseen-Abukar Dheere.

Liiska Wariyayaasha

Daahir Cabdulle Calasow

Axmad Cabdisalaan Aadan

Mahad Axmad Cilmi

C/xakiin Cumar Jimcaale

Bashiir Nuur Geedi

Falastiin Axmad Xaaji

Farxiyo Cali Qaajo

C/casiis Maxamuud Guuleed

Cismaan Xasan Wehliye-Xasan Bariise.

Siciid Tahliil Axmad

Axmad Cumar Xaashi-Axmad Taajir.

Cali Muuse Cabdi

Maxamad Muxyidiin Cali

Cabaas Nuur Galayr

Cilmi Cismaan Faarax Boodhari

Aways Maxamad Nuur Foodeey

Maryan Maxamuud Qalanjo

C/casiis Dhoore

Axmad Yare

Muxyadiin Xusni

Magacyo dhawr ah ayaa tirtiran halkaas marka la marayo

Yaxye Cali Faarax

Yuusuf Fareey

Magac Tirtiran

Magac qayb ahaan tirtiran, laakiin aan u garanay inuu yahay Maxamad Abuukar

3 Magac kale ayaa tirtiran halkaas.

Muna Cumar