Diyaaradahan ayaa lagu soo waramayaa inay weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen Saldhigyo ay lahaayeen kooxda Al-shabaab.
Duqeynta ayaa xalay ka dhacday Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya,
Lama oga ilaa iyo iminka Wadanka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeynta fuliyay, Sidoo kale lama shaacin qasaaraha ka dhashay weerarkaas,
Dadka deegaanka War-gaduud ayaa sheegay inay Xalay maqleen dhawaqa qaraxyo waaweeyn oo u muuqday duqeyn cirka ah,
Degaanka War-gaduud ayaa masaafa ahaan Waxoogaa u jirtaa Degaanka Ceel-cadde oo Sanadkii 2016 ay Al-shabaab ku dileen 100 Askari oo Kenyan ah kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
©Goobsan Media