Diyaarado aan la aqoon oo duqeyn ka geystay Gobolka Jubbada Dhexe

Wararka laga helaayo Gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday deegaano hoostaga gobalkaasi.

Diyaaradaahaan oo aan la garaneyn heybtooda ayaa duqeeyey Deegaanada Kamsuuma, Jilib iyo Deegan kale oo lagu sheegey Shiikh Axmed oo dhamaantood dhaca Gobalka Jubadda Dhexe, iyadoo aan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee duqeyntaasi ka dhalatay.

Mana jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay masuuliya weerarkaani waxaase xasuusin mudan in deegaanada la duqeeyey ay gacanta ku haayaan alshabaab iyadoo sidaan oo kale dhowr mar oo hore duqeymo ka dhacay deegano ay alshabaab gacanta ku haayaan ay duqeeyeen Diyaarado laga leeyahay mareykanka iyo kenya.