Mudo 27 sano ah kadib markii ugu horeysay waxaa caawa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaaradii ugu horeysay ee sida rakaab, kadib markii ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya shaacisay in adeegyadii uu ku shaqeyn lahaa xiliga habeenkii ah loo dhameystiray garoonka diyaaradaha Aadan Cade.
Diyaaradan oo ah diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha Juba Airways waxa ay sidaa dad ka badan boqol ruux kuwaasi oo u badan xujey, waxaana diyaaradan ay abaare 08:10 kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaa hada ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saxafiyin, waxaana tani ay ka dhigan tahay in uu si rasmi ah xiliga habeenkii ah u shaqeynayo garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa horay Xilliyadda Habeenkii ah u isticmaali jiray Diyaarado Milatari oo aan la aqoon waxay sidaan, Balse waa Markii ugu horaysay oo Diyaarad Shacab ay Habeen ka soo dagto Garoonka Aadan Cadde.