Diyaaradaha Kenya oo duqeeyay Xero lagu tababaro Ciidamada Al-shabaab

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe, Diyaarado dagaal ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ay si gaar ah uga dhacday ayaa waxa ay u dhaxeysaa Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo Jubbada Dhexe ka tirsan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya duqeyntan oo dhacday xalay 03:00 habeenimo in lala beegsaday saldhig Shabaab ay ku tababaraan caruurta yaryar.

 Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen Duqeyntan inay fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Kenya, waxayna tilmaameen inay maqleen ilaa 9 Gantaal oo lala eegtay xerada Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen in Duqeyntan lagu dilay ilaa Sideed dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena looga gubay laba gaari oo midi uu ahaa gaadiid dagaal.

Shabaab oo duqeyntan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen inaanay jirin khasaare ka dhashay Duqeyntan oo dhankooda ama shacab soo gaaray.