Diyaaradaha dagaalka Mareekanka oo Gantaalo ku garaacay deegaanka Basra

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in diyaarad dagaal ay duqeysay Degaanka Basra oo shalay ay dagaal kula wareegeen dagaalyahano ka  tirsan Xarakada Al-shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaa labo gantaal ayaa lagu garaacay Degaanka Basra oo Shalay ay Dagaal kula Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada  Al-shabaab, kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay duqeynta ka dhacday Degaanka Basra oo u dhaxeeya  Degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Goboladda Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Duqeymaha Diyaaradaha dowladda Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaliya ayaa sii kordhay kadib markii Dowladda Soomaliya ay ku dhawaaqday Howglka ka dhan ah dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan Soomaliya.