Diyaarad rakaab ah oo ku dhacday webi iyo gurmad loo fidiyay

Diyaarad kuwa rakaabka ah oo nooceedu ahaa Being 737 ayna saarnaayeen 143 ruux oo rakaab ah ayaa habeenimadii xalay ku dhacday wabiga Johnville ee gobolka Florida oo ka tirsan dalka Mareykanka kadib markii ay ka baxday wadadda ay diyaaradaha caga dhigtaan ee garoonka diyaaradaha Jacksonvilla.Diyaaradan oo ka soo duushay Guantanamo ayaa waxaa u gurmaday ciidamada gargaarka degdegga ah iyadoo laga soo badbaadiyay dhammaan dadkii saarnaa,inkastoo 27 ka mid ah rakaabka ay soo gaaren dhaawac fudud.

Madaxa Boliiska ee magaalada Jacksonville ayaa sheeegay in diyaaradaasi ay si nabad ah u dul sabeyneyso biyaha dushoo,isla markaana ay ka badbaaday in ay quusto ama ay tagto gunta hoose ee biyaha.

Ciidamada ammaanka maraakiibta iyo kuwa gargaarka degdegga ah ayaa gurmad bni aadanimo u fidiyay dhibanatashii ka badbaaday shilka diyaaradaasi,waxaana illaa hadda socota baaritan la xiriira waxa sababay diyaaradan inay ku dhacdo wabiga.