Diyaarad ku soo dhacday Garoonka Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Wararka aan ka helayno Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Diyaarad ay leedahay Shirkadda Bancroft oo qaabilsan dhanka la talinta amniga inay ku soo dhacday Garoonka.

Diyaaradan oo ah nooca yar yar ee ay isticmaalaan Ajaanibta ee dhanka ammaanka qaabilsan ayaa la sheegay inay u fidsami waayeen lugaha, muddo ku dhaw saacadna ay dul wareegaysay Garoonka.

Qof ku sugan Garoonka Aadan Cadde, ayaa sheegay wax khasaare ah inuusan ka dhalan diyaarada, dad ajaanib ah oo saarnaa, tiradoodana ay gaareyso 5 ruux ay ka badbaadeen Diyaarada soo dhacday.

Durba waxaa la joojiyay dhaqdhaqaaqii duulimaadka Garoonka Aadan Cadde oo masuuliyiinta iyo Saraakiisha ammaankaba waxa ay ku baxeen diyaaradaasi soo dhacday.

Shirkada Bancroft ayaa ah Shirkadda dhanka ammaanka ka shaqeysa, waxayna leedahay eeyaha dadka baara ee Garoonka Aadan Cadde ka hawlgala.

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii ay dagi weyday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airline, inkastoo markii dambe ay suuragashay inay degto.