Sida ay sheegayaan wararka diyaarad hub sida oo ka timid Shiinaha ayaa shalay oo jimco aheyd soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Diyaaradaan ayaa sida qoryaha fudud iyo rasaas.
Dhaqaalaha hubkaan lagu soo iibiyay ayaa la tilmaamayaa in ay bixisay Dowladda Sacuudiga,islamarkaana qandaraas lagu siiyay Dowladda Shiinaha in hubkaan ay soo sameyso.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in hubkaan qorshihiisa yahay in la geeyo xarumaha maamul goboleedyada, ka horna lagu keydin doono goobo cayiman oo dowladda maamusho.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili Soomaaliya sanadkii 2013-kii laga qafiifiyay cunaqabateynta hubka, waxaana loo ogolaaday soo iibsashada hubka yar yar iyo rasaasta.
Hubkaan ayaa la tilmamayaa in uu qeyb ka yahay balanqaadyo Dowladda Sacuudi Arabia ay u sameysay dowladii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud.