Dilkii ka dhacay degmada X/Weyne oo Askar loo xiray Mas’uuliyiina Xilka looga qaaday

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa xirtay in ka badan 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo sugnaa labo Isgoys ku yaalla degmada Xamarweyne , Markii la dilaayay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo sidoo kale wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Sidoo kale Wasaaradda Amniga ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaashii Booliska iyo Nabadsuggida Degmada Xamarweyne oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen dayac.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay shaqsi la tuhmaayo inuu ka dambeeyay falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka iyo Wiil ay dhashay Batuule Gabale, oo Arbacadii lagu dilay Degmada Xamar weyne, waxaana shaqsigaasi iyo gaarigii uu watay ku socoto Baaris sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay inuusan jiri doonin masuul Dowladeed oo xilka iska haynaya, isaga oo aanan si dhab ah u gudan waajibaadka shaqo ee saaran.