Dilkii Ibraahim Afgaan.

Baraawe! Haa, sheekadeennu waxa ay ku saabsan tahay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo hawlgal culus oo khaarijin ahaa oo ka dhacay habeen yaab lahaa! Si aan u fahanno sheekada habeenkaas iyo hawlgalkaas culus, aynu dib ugu laabanno labo sano iyo siddeed bilood kahor, oo ku beegnayd August, 2011. Xilligaas waxaa si xooggan u soo shaacbaxay khilaafkii kooxda Al-shabaab (AS) ka dhexjiray. Cidda is haysay waxa ay ahaayeen rag u badnaa jilba-culusta kooxda iyo amiirka AS oo markaa ahaa Axmed Cabdi Godane.

Qaar kamida hoggaanka AS oo u khudbaynaya qaybo kamida dagaalyahannada kooxda oo fadhiya meel bacaad ah oo duur ah, November, 2016. Photo: by Hamza Mohamed/ Aljazeera.

Billowga khilaafka waxa uu ahaa Mukhtaar Roobow iyo Axmed Godane. Arrimaha ay sida goonnida ah isugu haysteen Godane iyo Roobow waxaa kamid ahaa; sida loo maaraynayo maxaabiista dagaalka lagu qabto, siyaasadda hay’adaha gargaarka lagu la macaamilayo, askaraynta carruurta yaryar, eex ku qaybinta xilalka iyo qaar kaleba. Tusaale, January, 2009, dagaalyahanno ka tirsan kooxda AS oo uu hor kacayo Mukhtaar Roobow ayaa la wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Waxa ay dagaalyahannadaasi nolol ku qabteen xubno sarsareoo ka tirsanaa xukuumaddii ku meelgaarka ahayd ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Xubnahaas waxaa kamid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ahaa Wasiirka Gaadiidka, Ibraahim Yarow oo Xildhibaan ahaa, Cabdifataax Maxamed Geesey oo guddoomiyaha gobolka Baay ahaa, Aadan Maxamuud Nuur (Aadan Saransoor) oo kamid ahaa saraakiisha ammaanka ee xukuumadda iyo kuwa kaleba. Mukhtaar Roobow oo gacantiisa lagu soo simay xubnihii sarsare ee xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka gaaray go’aan dadkii iyo dagaalyahannadii AS ka yaabiyay. Roobow ayaa qabay aragti ah, inaan mar walba lagu la dhaqmin siyaasadda dilka cidda aad is haysaan oo mararka qaar ay tahay in la saamaxo, si loo kasbado. Sidaa awgeed, waxa uu siidaayay oo fasaxay dhammaan xubnihii sarsare.

Arrinkaa waxaa aad uga carooday Axmed Godane oo isna qabay in dhegta dhiigga loo daro cidda aad is haysaan iyo kuwa kaa fikir-duwanaado. Sidoo kale, Roobow, waxa uu qabay in la fasaxo hay’adaha gargaarka si ay ugu gurmadaan dadka dhibban, balse Godane ayaa u arkayay hay’adaha jawaasiis ay tahay in la laayo. Arrimahaas iyo kuwa kale ayay billowgiiba isku qabteen Roobow iyo Godane.

October, 2010 ayaa uu si toos ah usoo shaacbaxay khilaafkii huursanaa ee Roobow iyo Godane. Waxyaabaha khilaafka sii huriyay waxaa kamid ahaa dagaalkii weynaa ee ay kooxda ugu magacdartay ‘Nihaayatul Muctadiin’ ee ay qaaday dhammaadka bishii August, 2010. Roobow ayaa qabay inuu dagaalku ahaa go’aan uu Godane iska gaaray. Sidoo kale, Roobow ayaa aad u dhaliilay qaabka loo maareeyay dagaalkaas iyo istiraatiijiyadda loo galay, illaa heer uu furinta ka la baxay dagaalyahannadiisa u badnayd ee beeshiisa Raxanweyn.

Dedaallo lagu doonayay in lagu wada hadashiiyo Godane iyo Roobow ayaa fashil ku dhammaaday. Tusaale, October, 2010, Golihii Marjaca ee waday dedaallada heshiisiinta ayaa uu Roobow hor dhigay qodobbo culus. Qodobbada oo shan gaarayay ayaa waxaa kamid ahaa:

  1. – In Axmed Godane is casilo.
  2. – In la fasaxo hay’adaha.
  3. – In la kala diro amniyaadka gaarka ah.
  4. – In baaris lagu sameeyo saraakiishii AS ee furinta ku dhimatay.
  5. – In xilka laga wada qaado saraakiisha ku haybta ah Godane.

Khilaafku waxa uu ka sii daray markii uu Axmed Godane xilka ku xigeennimada kooxda AS ka qaaday, kana saaray golaha sare Muktaar Roobow. Xubno kamid ah kooxda ayaa markale iskudayay inay kala dhexgalaan Godane iyo Roobow oo ay heshiisiiyaan. Shir la isugu keenay labada nin oo ka dhacay magaalada Marka ee gobolka shabeellaha Hoose ayaa markale fashil ku dhammaaday, kadib markii uu Godane amray dhammaystirka dhaawaca mid kamida saraakiishii ugu muhiimsanayd oo ka hoosaysay Roobow.

Abuu Ayuub oo beel ahaan ka soo jeeda Raxanweyn, gaar ahaan jifada Jiroon waxa uu ahaa mid kamida saraakiishii hoggaaminaysay dagaalyahannadii kunka ka badnaa ee uu Roobow watay, gaar ahaan dagaalyahannada gobolka Baay. Daagaalkii Nihaayatul Muctadiin ayuu ku dhaawacmay sargaalkan. Amniyaadka gaarka ah ee Godane ayaa dhammaystiray dhaawaca sarkaalkaasi, iyaga oo ku socda amarka Godane. Markii Godane la weyddiiyay sababtane, waxa uu sheegay inuu u fudeedinayay shahaadada, sidoo kalena uu diidanaa inay gacanta ku dhigaan dawladdu. Sarkaalkaasi oo kaliya ma aha ee badi dagaalyahannadii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa la dhammaystiray dhaawacooda, si aysan dawladdu u qaban, kooxdane uu kharash iyo wakhti ka galin dhayiddooda. Balse xan iyo xoga hoose ayaa sheegayay in Godane uu wiiqayay awoodda ciidan ee Roobow uu kooxda ku dhex lahaa.

Muddo yar kadib waxaa khilaafkii ku soo biiray oo dhinaca safka Roobow raacay rag ay ugu horreeyaan Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad (Ibraahim Afgaan), Cabdixamiid Colhaye oo loo garan ogyahay Macallin Burhaan, Xasan Daahir Aweys iyo qaar kale oo ajaanib ah. Ragga ajnabiga ah waxaa laga xusi karaa; Amriiki, Xakiim Misri, Cabdullaahi Turki, Usaame Shaami iyo rag kale. Waxyaabaha ay isku khilaafeen haddii si guud loo sheego waxaa kamid ahaa; arrimo istiraatiijiyadeed, caqiideed, awoodeed, farsameed iyo kuwa qabiileed.

Raggaas ay iswada qabteen Godane waxaa ugu cuslaa Ibraahim Afgaan. Dhawr sabab ayaa lagu tiriyaa inuu u cuslaa. Afgaani, waxaa kooxda dhexdeeda looga yaqaannay hoggaamiyaha ruuxiga iyo aabbaha jihaadiga ee geeska afrika. Sidoo kale, Ibraahin Afgaani waxa uu ahaa ninka ugu xiriirka ballaaran jihaadiyiinta Soomaalida.

Harun Macruf iyo Dan Joseph, buug ay wada qoreen oo soo baxay October, 2018 oo uu ciwaankiisu yahay Inside Al-shabaab, ayaa aad loogu kala dhigdhigayaa bogagga 7aad illaa 20aad, noloshii Ibraahim Afgaan ee ciyaalnimo, barbaarinnimo, waxbarasho, tababbarnimo, dagaalnimo illaa geerida. Ibraahim ayaa ku dhashay tuulo galbeedka Hargaysa dhacda oo Xaraf la yiraahdo,1960. Waxa uu isaga kala gudbay Hargaysa, Muqdisho, DC Washington, Richmond, Buuraha Afgaanistaan, Kismaayo, Dhoobley, Djabuti, Jigjiga, Casmara, Kashmiir iyo ugu dambayn, degmada quruxda badan ee ay noloshiisu ku soo idlaatay ee Baraawe. Waxa uu soo noqday Jallaate iibiye, Waiter, Taksiile, Agaasime-waaxeed ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumaddii kacaanka ee Siyaad Barre. Waxaa markaa Wasiir ka ahaa wasaaradda Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Afgaani, isma lahayn waxa uu soo bartay iyo waxa uu ka shaqaynayay illaa uu ka geeriyoonayay. Computer Science iyo Economic ayaa ay ahayd kulliyaddiisa, balse waxa uu noqday hoggaamiye firfircoon oo jihaadi ah, illaa ay saaxiibadii u aqoonsadeen AABIHII RUUXIGA EE JIHAADKA GEESKA. Waa gartood haddii ay saaxiibadii magacaa ugu yeereen. Waayo, Afgaani waxa uu ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee la kulmay, xiriirna la sameeyay 1980s, Cabdullaahi Yuusuf Casaam (Cabdalla Casaam). Casaam, waxa uu ahaa wadaad Falastiini ah oo aftahan ah oo loo tiiriyo Jihaadiyiinta maanta dagaallamaysa. Casaam waxa uu ahaa ninkii fatwooday ee caalamiyeeyay dagaalkii Afgaanistaan ee daafaha dunida la isaga yimid. Casaam, waxa uu ahaa macallinkii soo tababbaray Usaame Binlaadin. Haddaba, Casaam iyo Afgaani waxay isbarteen kahor inta uusan Usaame baranin Casaam.

Ibraahim Afgaani, waxa uu ahaa ninkii u horreeyay ee si rasmi ah u furay mucaskar lagu tababbaro dhalinyaro. Kismaayane waxay qaadatay magaaladii u horraysay ee si rasmi ah mucaskar looga furay. 07 February, 1991 ayaa xaafada Guulwade ee Kismaayo laga furay mucaskarkii Khaalid Bin Waliid, goobta hadda ah iskuulka Guulwade.

Afgaani, kaliya kama uu dagaallamin Afgaanistaan iyo Soomaaliya ee sidoo kale, Itoobiya, Eeretariya iyo Kashmiir ayuu ka soo dagaallamay. Ibraahim, 1990s, marka uu dib ugu laabtay Afgaanistaan ayaa ay isbaranayaan Axmed Godane oo markaas ku cusbaa furimaha dagaalka.

Sidaa awgeed, Afgaani waxa uu ahaa nin haysta xiriir xooggan oo dibadda ah. Arrimahaas iyo kuwa kale ayaa ka dhigayay ninka ugu culus ragga ay Godane is khilaafeen. Axmed Godane ayaa February, 2011 wixii ka dambeeyay bilaabay sida uu u wiiqi lahaa awoodda iyo saamaynta Afgaani ku dhex lahaa ururka gudihiisa.

Guddiga farsamada iyo xal u raadinta khilaafka kooxda ayaa fadhi isugu yeeray dhinacyada is haya. Guddigaasi oo u badnaa ajaanib, waxaa guddoomiye ka ahaa Mohamed Fadiga (Zubayr Almuhaajir) oo u dhashay dalka Ivory Coast ee ku yaalla galbeedka Africa. Xubnaha guddigaasi waxaa kamida ahaa Suhayl Saalim Cabdiraxmaan (Bilaal Alsuudaani).

Haddaba, fadhigii xal raadinta ayaa markii dambe u xuubsiibtay maxkamadayn, waxaana ka soo baxay qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin: inuu Godane iscasilo, inta uu ku jiro hawsha iscasilitaankane inuu joojiyo askareynta carruurta oo mushkilad ku ahayd dadka deegaanka, oggolaanshaha hay’adaha shisheeye inay ka hawlgalaan deegaannada jilicsan iyo joojinta dilalka shirqoolka ah ee ay fuliyaan amniyaadka oo ahaa ciidanka ugu dhow ee uu ugu kalsoonida badnaa Godane.

Godane ayaa aqbalay soojeedintaasi oo codsaday in la siiyo muddo lix bilood ah. Waxa ay se ahayd afka baarkiisa oo kolkii laga aqbalay ayuu horay ka billaabay inuu sii kordhiyo saamayntiisa xagga ururka ah isaga oo gacanta ku dhigaya dhaqaalaha, ciidanka iyo sirdoonkiisa.

Mohamed Fadiga (Zubayr Almuhaajir) oo waraysi siinaya barnaamijka Xogta Xagjirka oo ka baxaya SNA Radio, September, 2020. Photo: by SNA Radio.

Habeen kamida habeennadii bishii August, 2011 ayaa uu Godane go’aan ku gaaray in ururka oo kala badh magaalada Muqdisho haystay laga saaro oo ay afka saaraan Afgooye iyo Shabeellaha Hoose. Waxa uuna ku dhawaaqay in la beddelay istiraatiijiyaddii dagaal ee fool ka foolka ahayd, iyada oo loo beddelay dagaal jabhadayn iyo ku dhufo iyo ka dhaqaaq ah. Sababta ugu weyn ee Xamar looga baxay, islamarkaana qaab dagaalka loo beddelay ayaa ka dhignayd in uu kala lumiyo mucaaradkiisa, islamarkaana uu xaaladda dhismeed ee kooxda isku qaso, oo u kala firdhiyo cududdii ciidanka ee fadhiisamaha la yaqaan ku urursanayd.

Markii uu ururka galay marxalad jabhadayn ah oo aan jirin meel loogu soo hagaago iyo fadhi la yeelan karo ayaa uu Godane bilaabay inuu dhallinyaro uu gacantiisa ku qoray oo uu ula baxay Fursaanu Xisbah uu ku taxo jagooyinkii u muhiimsanaa. Waxaana taas beddelkeeda uu Afgaani iyo Roobow iyo cid kasta oo mucaarad ku ahayd ka wada dhigay xilalkii iyo maamuuskii ay ururka u hayeen kuna lahaayeen.

Mucaaradkii oo markan la miciyo siibay ayaa rug ka dhigtay degma xeebeedka aadka u quruxda badan ee Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Godane oo u muuqda inuu Afgaani kaga guulaystay loollankii gudaha ee ururka ayaa u jihaystay inuu markani kula loollamo xiriirka dibadda. Waxa uuna iskudayay inuu ka dul boodo oo uu toos ula xirto Usaame Binlaadin, ururka Al-shabaabna ku daro urur weynaha Al-qaacido (AQ). Balse Usaame ayaa is hortaagay oo u sheegay Godane inaan la gaarin wakhtigii AS la hoos gayn lahaa AQ. Diidmadaas kadib oo bilooyin uun ka soo wareegtay waxaa la dilay Usaame Binlaadin, waxaana xilkii AQ la wareegay Ayman Adawaahiri.

Markani waxa uu Godane xiriir la sameeyay Ayman oo ka oggolaaday in AS la hoos geeyo urur weynaha AQ. Waxaana halkaa ku soo xirmay cutubkii iyo saamayntii dibadda ee Afgaani.

Godane oo u muuqda inuu Afgaani uga guulaystay loollankii gudaha iyo dibadda ayaa markani u dhaqaaqay inuu sumcad iyo haybad dilo Ibraahim Afgaani iyo raggii mucaaradka ahaa ee uu hor boodayay. Dhanka kale, Afgaani iyo mucaaradka ayaa iyaguna bilaabay inay ka istaagaan masaajida Baraawe iyaga oo sheegayay dhaliilaha Godane, sidoo kalena dhambaallo u qoraya hoggaamiyaasha AQ oo uu Ayman ugu horreeyo.

May, 2013 ayaa Ibraahim Afgaani waxaa uu dhambaal furan oo shan iyo toban bog gaaraya oo luuqadda Carabiga ku qornaa u diray amiirka Alqaacida (AQ) Ayman Dawaahiri. Ibraahim Afgaani ayaa dhambaalkiisa ku bilaabay Xadiiska Rasuulka (SCW) ee uu kaga digayo xukunka dadka maangaabka ah, kuwaa oo soo bixidoona isaga gadaashiisa, iyaga oo ka leexandoono dariiqisii saxda ahaa. Xadiiskan ayaa u muuqda in loogu duurxulayay Axmed Godane. Afgaani, ayaa sheegay inuu mustaqbalka ururka meel daran iyo mugdiba uu ku socdo.

Waxyaabaha uu farriinta ku dhex sheegay ee uu Godane ku eedeeyay waxaa kamid ahaa; inay jiraan jeelal qarsoon oo lagu ciqaabo dadka, in Godane uu ka leexday dariiqa iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, in Godane uu samaystay dhallinyar gaar ah oo ciddii uu amro horay ka khaarijinaysa, inuu ku kacay falal dildillaac weyn ku sameeyey haykalkii iyo haybaddii ururka, iyo ugu dambayn, inay khatar ku jirto nolosha qaar kamida muhaajiriinta ka barbar dagaallamaysa ururka.

Bogga koowaad ee dhambaalkii uu Ibraahim Afgaan diray May, 2013. Waxaa dhambaalkan faafisay Halgan.net.

Dhanka kale, Axmed Godane waxa uu baraha internetka, ururka dhexdiisa iyo warbaahinta ku faafiyay warar sheegaya in mucaaradku yihiin fitna-wadayaal iyo dad ka soo horjeeda jihaadka iyo mujaahidiinta. Markii dambana waxaaba soo baxay bayaan ay ku saxiixan yihiin hoggaanka ururka oo uu u weyn yahay Godane.

Bayaankaasi waxaa ku xusnaa saddex iyo toban dambi oo waaweyn oo lagu eedaynayo mucaaradka Godane oo uu Afgaani u weyn yahay.

Mukhtaar Roobow oo duubay cajalad cod ah ayaa kaga sheekeeyay arrinka bayaankaasi. Codka oo afartan daqiiqo gaaraya ayaa daqiiqadda 8:20 ka billaabanaysa waxa uu ku faafaahinayaa bayaankaasi iyo qodobadiisa. Waxaa kamid ahaa waxyaabihii mucaaradka iyo Afgaani lagu eedeeyay; jawaasiis cadawga u shaqaynaysa, inay yihiin mindiyo mujaahidiinta loo adeegsanayo oo uu daabkeedu hayo cadowga Ilaahay, inay yihiin makarafoonno shayddaan iyo waxyaabo kale.

Mukhtaar Roobow oo fadhiya goobtii lagu shaacinayay Liiska Golihii Wasiirada Somalia, August, 2022, ee uu kamid noqday, isaga oo noqday Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka. Photo: by OPM.

Waxaa la sheegaa in bayaankaasi uu hordhac u ahaa xalaashiga dhiigga iyo go’aanka khaarijinta ee uu Godane qaatay. Balse mucaaradka ayaa u qaatay bayaankaasi eedeemihii awelba hoos loo sheegi jiray oo markan kor loogu dhawaaqay. Maalmo yar uun kadib bayaankaasi waxaa su’aal si dadban loo wayddiiyay Sheekh Xasaan Xuseen oo ururka u fatwooda. Su’aashaasi waxa ay u dhignayd; waxa laga yeelayo cidda iskuddayda kala gaynta sufuufta jihaadka iyo mujaahidiinta. Sheekh Xasaan oo aan waddo dheer marin ayaa ku jawaabay inay waajib tahay in la dilo qofkaas.

Axmed Godane oo ay muuqaalka wajigiisa shaaciyeen kooxda AS, June 2017, kadib markii ay dilkiisa ka soo wareegatay labo sano iyo kow iyo toban bilood. Photo: by Alkataa’ib.

Godane oo u muuqda in loo fatwooday, bayaanna horay u soo saaray, sumcad dilna sii sameeyay oo aan guux iyo gadood ciidan iyo mid dadka deegaanka ka baqayn ayaa markani ku dhaqaaqay qorshe khaarijin ah! Waxa uu go’aan ku gaaray inuu ku dhaqaaqo siyaasaddii ahayd; mas madaxa ayaa laga dilaa. Sidaa awgeed, dilka mucaaradka waxaad ka bilowdaa Ibraahim Afgaan. Haddaba, habeenkaa uu hawlgalku dhacayay sidee ayay wax u dhaceen? Sidee se ahaa jawigii magaaladu?

Casarliiq arbacaad oo ay taariikhdu tahay 19 June 2013 waxaa magaalada Baraawe soo galay ciidan culus oo ah kuwa loo yaqaano Fursaanu Xisbah. Dhinacyada magaalada ayay isku qaybiyeen. Kolka uu gabbalkii dhacay oo aaskii madoobaaday ayaa ciidamo gaar ah oo kuwa amniyaadka ah ee gacanta midig ee Godane soo galeen magaalada. Ciidamadan dambe ee soo galay waa kuwa fulindoona hawlgalka khaarijinta ah.

Ibraahim Afgaan waxaa la sheegaa inuu habeenkaas salaadii makhrib ku tukaday masaajid u dhawaa gurigiisa oo ku yaallay xaafadda baqdaad ee Baraawe. Kadib ayaa uu gurigiisa aaday, balse muddo yar kadib taleefan u soo dhacay awgii ayaa uu soo baxay. Waxaa la sheegaa inuu la ballansanaa qof. Qofkaasi waxa uu ahaa gacan-yarihiisii Cumar Maxamed Xasan oo ururka looga yaqaanay Abuu Ayaan, balse hadda ka baxay. Waraysi saddex qayb ahaa oo uu bixiyay Abuu Ayaan ayaa qaybta saddexaad daqiiqaddeeda 8:04 ku sheegay cidda habeenkaasi Afgaani wacday oo la ballansanaa inuu isaga ahaa, si uu u siiyo cajalado ay ku duuban yihiin barnaamij ay isla wadeen.

Abuu Ayaan ayaa gacanta ku hayay mashruuc duubitaan oo sannad socday tifaftirkiisii iyo habayntiisii. Mashruucaasi waxa uu ahaa xalqado fekereed oo uu Ibraahim Afgaan ku naqdinayo nidaamyada dad-sameega ah ee dawladaha lagu dhaqo, uguna doodayo ku dhaqanka shareecada islaamka iyo samaanteeda. Waxa uu doonayay in uu mashruuciisii jihaadiga ahaa oo uu 30-ka sannadood ku soo jiray ku soo afmeero dhaxal uu ka tago oo ay iftiinsadaan jiilalka soo socda ee mujaahidiinta ah sida uu is tusayay!

Haddaba, Afgaani oo ka soo baxay gurigiisa oo marayay meel u dhexaysa gurigiisa iyo masaajidkii uu ku soo tukaday ayaa waxaa ka hor imaaday mid kamida dhallinyartii amniyaadka ka tirsanaa. Waa uu gartay oo uu la istaagay. Salaan iyo isxaalwaraysi kadib waxa uu Ibraahim Afgaan ka war helay tareeso nool oo qadaadka kaga taallo iyo erey ah “yaa munaafaq!” Kolka uu soo jeestane dhawr rasaas oo nool nool ayaa shafka iyo madaxa loo galiyay, markiiba si culus ayaa uu dhulkii ugu dhacay. Waxa uu ahaa barbaar kale oo luuq u dhawaa ku gambanayay.

Guri dhawr mitir u jiray waxaa habeenkaa ku sugnaa oo xabbadahaas maqlayay Mukhtaar Roobow. Cajalad iyo cod uu Roobow duubay ayuu daqiiqadda 29:00ku sheegay in habeenkaasi ay jirka Afgaani ku hoobteen shan illaa toddobo xabbadod oo noolnool. Waxaa kale oo uu Roobow sheegay in ereyadii u dambeeyay ee Afgaani ku hadaaqayay inay ahaayeen; Waxa aad tihiin daalamiin!

Markiiba jawaan in lagu ritay ayaa la sheegay oo gaari surf ah lagu riday. Shan saacadood kadib waxaa la dilay Cabdixamiid Colhaye (Macallin Burhaan) oo ahaa madaxa golaha shuurada oo jago ahaan u dhiganta guddoomiyaha baarlamaanka. Goortii Macallin Burhaan la dilay ayaa afarta dhinac rasaas isqabsatay. Reer Baraawe oo aan la qabsan jawigan ayaa hurdadii ka sasay, waxay se ahayd qorshe rasaastaas badan ee la riday.

Xog ah in la dilay Afgaani iyo Macallin Burhaan ayaa magaalada ku faaftay. Waxay se ururkii sheegeen inay nool yihiin oo la xiray iyaga oo ka baqay gadood ciidan oo lamafilaan ah inuu dhaco. Habeenkaas illaa subixiisa dad ku dhow ama ka badan afartan qof ayaa la xiray oo lagu tuhmayay inay xaaladda kaga sii dari karaan. Magaaladii Baraawe ahayd ayaa qasantay oo mucaaradkii ayaa bilaabay inay cagahooda ku baxsadaan. Habeenkaa habeenka ku xigay ayaa la sheegaa inuu doon ku baxsaday Xasan Daahir Aweys iyo rag kale. Roobow ayaa isna magaalada lug kaga baxay. Abuu Ayaan ayaa kamid ahaa dadka magaalada lug kaga baxsaday isaga oo iskudaray rag qaad la dhuumanayay.

Luuqii lagu khaarijiyay Ibraahim Afgaan. Masaajidka halkaa ka muuqda, waa midkii uu ku tukaday salaada makhrib. Sawirkani waxaa la qaaday June, 2025. Photo: by Cabdiwahaab Axmed Cali.

Muddo sagaal maalmood ayaa ay kooxdu dadka iyo warbaahinta ka gadaysay inay Ibraahim Afgaan iyo Macallin Burhaan nool yihiin. Balse maalintii tobnaad oo ku beegan 29 June 2013 ayaa waxaa warbaahinta ka hadlay Cabdicasiis Maxamed Cade (Abuu Muscab) oo ah afhayeenka hawlgallada ururka. Waxa uu maalinkaa Abuu Muscab sheegay geerida Afgaani iyo Macallin Burhaan, waxaa kale oo uu sheegay in rag loo diray si ay u soo qabtaan oo kaliya, si la xiro oo fidnadooda ummadda looga qabto. Inay diideen oo dagaallameen oo isweydaarashada rasaasta ku dhinteen ayuu afhayeenku sii raaciyey.

Intaa kadib, waxaa la la wareegay hantidii Afgaani oo ay ugu horrayso mashruucii feker ee uu sannad duubayay, gaari uu lahaa oo la qaatay isaga oo nool, xataa waxaa la sheegaa in Godane uu dumaalay oo uu guursaday xaaskii Afgaani.

Maxmed Abuu Yaasir Almuqdishi oo kamid ahaa Golaha Shuurada ee kooxda AS, sidoo kale, la soo kala shaqeeyay labada maktab ee Dacwada iyo Garsoorka ayaa dilka Ibraahim Afgaani ku eedeeyay inay ka dambeeyeen 12 nin oo kamida hoggaanka kooxda AS. Raggaas uu Abuu Yaasir sheegay waxaa kamida: Axmed Godane, Mahad Karataay, Maxamed Cabdullaahi Xiireey (Abuu Cabdalle), Daahir Gacmeey, Cabdicasiis Maxamed Cade (Abuu Muscab) iyo rag kale.

Haddaba, inta ogaalkayga ah, ma jirto sawir uu leeyahay Ibraahim Afgaan oo la baahiyay. Waxaa se jirta sawir ay Ibraahim Afgaan ahaan ugu adeegsadaan warbaahinta Soomaalida, balse uusan isaga ahayn. Ninkaasi waxa kaliya oo ay wadaagaan waa sannadka dhalashada, magaca koowaad, iyo inay Alqaacida (AQ) ka wada tirsanaayeen. Ninkani, magaciisu waa Ibraahim Axmed Maxamuud (Ibraahim Alqosi). Magaca afgarashadiisu waa Khabeyb. Waa Suudaanays 1996-dii illaa 2001-dii ahaa darawal gaari iyo mid kamida waardiyayaasha khaaska ah ee Usaame Binlaadin. December 2001-dii ayaa lagu qabtay xudduuda Afgaanistaan iyo Pakistaan u dhexaysa. Waxaana loo sii gudbiyay xabsiga Guantanamo.

2012-dii ayaa heshiis lagu soo daayay. Wuxuu se labo sano kadib galay laanta AQ ee Jasiiradda Carabta ka dagaallanta ee uu saldhigoodu yahay Yemen. Al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP) oo January 2009-kii la asaasay ayaa uu galay Ibraahim Alqosi oo uu kamid noqday maammulka sare ee kooxda. Mana aha nin isqariya ee waa nin bannaanyaal ah oo shaashada ka soo muuqda. Maraykanka ayaa hadda madaxiisa dulsaaray $4 Million oo ruux iyo raq ku raadinaya. Haddaba, warbaahinta Soomaalida ayaa sawirka ninkan u adeegsiga Ibraahin Afgaan billawday 2012–2013.

brahim Ahmed Mahmoud al-Qosi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan sanadkii 2012, kadib markii laga sii daayay xabsiga ciidamada Mareykanka ee Guantanamo Bay. Photo: by Ebrahim Hamid.

W/Qoray Aw Dacar