Dilalkii ugu badnaa oo Caawo ka dhacay Magaaladda Muqdisho

Magaaladda Muqdisho ayaa martigalisay saacadihii aynu soo dhaafnay dilal qorshaysnaa oo ay geysteen ragg hubeysan.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, waxaana loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Mahad Macoow Afrax.

Dilka Labaad oo ay geysteen ragg hubeysan ayaa isna ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Wadajir,waxaana loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamadda Malatariga sidoo kalana kamid ahaa ilaaladda gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee gobolka banaadir Axmed Daaci.

Dilka Seddexaad ayaa caawa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha Degmadda Holwadaag,waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ahaa sida ay inoo sheegeen dad goob-joogayaal ah.

Ugu dambeyntii dilka afaraad ayaa caawa ka dhacay Xaafadda Baar ha-idhaafin ee degmada waabari,waxaana loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lahaa xarunta Timaha lagu jaro.

Ma Jirto cid sheegatay iyo cid loo soo qabtay dilalka saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.